Somali News

Madaxweynaha Mareykanka oo la kulmaya Boqorka Japan

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa noqonaya hogaamiyihii ugu horreeyay ee la kulma boqorka dalka Japan Naruhito.

Trump ii hadda booqasho Afar maalmood ah ku jooga Japan ayaa waxaa uu salaamay Boqorka iyo Boqoradda Masako oo uu ku booqday Qasriga madaxtooyadda ee Tokiyo.

Hogaamiyaha Mareykanka ayaa la qaadanaya boqorka Japan kulan uu ku sheegay in uu yahay “Sharaf weyn”.

Boqor Naruhito ayaa taajka la wareegay horrantii bishaan May kadib markii aabihiis Akihito uu xilka ka degay, taasi oo ahayd markii ugu horeeysay boqorka Japan uu xilka ka dego muddo qarniyaal ah.

“waa ay ka badantahay 200 sano tan iyo markii ay sidaan oo kale ay dhacday,” ayuu Trum ka yiri xailka degista boqorkii hore.

Sidoo kale Ra’iisul wasaaraha Japan ayuu Trump lakulmay waxayna ka wada hadleen xaaladda Amaan ee gobolka iyo xiriirka Labadda Dowladood.