Somali News

Muuse Biixi oo Casuumaad ka helay Madaxweynaha dalka Guinea

Hargeysa-KNN-Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa Gelinkii dambe ee Maanta ka duulay  Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa.

Madaxweyne Muuse Biixi iyo wafdigiisa ayaa ku wajahan Dalka Jamhuuriyadda Guinea oo dhaca Galbeedka Qaarada Afrika,waxaana garoonka Hargeysa ka  sagootiyay mas’uuliyiin ka kala socday Golayaasha fulinta iyo sharci dajinta  Soomaaliland.

Yaasiin Xaaji Maxamuud “Faratoon Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliland oo ka war bixiyey safarkaas ayaa sheegay in u jeedka safarka Madaxweyne Muuse Biixi uu yahay casuumaad uu ka helay Madaxweynaha dalka Guinea, waxa uuna sheegay in safarkaas uu qaadan doono mudo labo cisho ah.