Somali News

Madaxweynaha Soomaaliland oo sheegay in bishaan kulankii ugu horreeyay yeelanayaan Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Muuse Biixi Cabdi, Madaxweynaha Soomaaliland ayaa maanta sheegay in kulankii ugu horreeyay bishaan dhamaadkeeda ay yeelanayaan Soomaaliya iyo Soomaaliland oo kaas oo ka dhacay dalka Gaana.

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa sheegay in shirkaan la qaban doono 19-ka bishaan waxa uuna ka furmaya Magaalada Akra ee Caasimadda dalka Gaana. Sidoo kale Soomaaliland ayaa sheegtay in shirkaan ay soo qaban qaabisay Dowladda Turkiga waxaana lagu wadaa in ay ka soo qayb-galaan dowlado ka tirsan Yurub iyo dowladda UK.

Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shirkaan ay waqti gelisay Dowladda Turkiga waxaana ka qayb qaadanayaa oo goob joog ka noqon doona dowladaha Sweden, UK, USA, EU iyo Dowlado kale balse waxa uu sheegay in uu cabsi ka qabo in Soomaaliya ay imaan wayso kulankaasi.