Somali News

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Puntland oo kulan ku yeelanaya Gaalkacyo

Gaalkacyo-KNN-Axmed Ducaalle Geelle Xaaf Madaxweynaha Maamulka  Galmudug  ayaa Maanta dib ugu  laabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobalka Mudug, kadib markii mudoooyinki dambe uu ku sugnaa Magalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweyne Xaaf ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo , isagoona halkaasi kula hadlay warbaahinta waxaa uuna sheegay in dhawan uu faah faahin doono shirkii fashilmay ee Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada ay ku yeesheen Magaalada Garoowe,isla markaana War-Saxaafadeed wadajir ah ay soo saari doonaan isaga iyo  Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi  oo hada ku sugan Magaalada Gaalkacyo.

Kulan ayaa la filayaa inay dhawaan Koonfurta Magalada Gaalkacyo ay ku yeeshaan Madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland,isla markaana ay ka hadlaan shirkii Garoowe,waxaana Madaxweyne Xaaf Shacbaka Gaalkacyo kula dardaarmay inay nabadooda ilaalashadaan.