Somali News

Madaxweyne Biixi iyo Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya oo kulan ku yeeshay Hargeysa

Hargeysa-KNN-Madaxweynaha  Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti uu hoggaaminayo safiirka dalka Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Donald Y. Yamamoto.

Kulankan uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha weftiga ah ee uu hoggaaminayo safiirka maraykanku Ambassador Donald Yamamoto, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo badan oo salka ku haya xiriirka dalalka Maraykanka iyo Somaliland iyo iskaashiga dhinacyada kala duwan leh ee labada dal ka dhexeeya.

Arrimaha sida gaarka ah kulankan diiradda loogu saaray, ayaa waxa ugu waa weynaa dardargelinta arrimaha doorashooyinka  Somaliland ka qorshaysan, sidii ay shirkadaha Maraykanku u maalgashan lahaayeen ugana faa’iidaysan lahaayeen horumarka ay ku talaabsanayso Somaliland, xaaladda gobolka, Amaanka iyo Dimuqraaddiyadda ka hano qaadday  Somaliland.

Safiirka waxa socdaalkiisa ku wehelinaysay madaxa xafiiska ganacsiga iyo dhaqaalaha ee safaaradda Maraykanka, Ms Shella A. Billas iyo madaxa xafiiska hay’adda USAID.