Somali News

Madaxweyne Dani oo la kulmay Saraakiil Ciidan

Garowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa maanta Kormeer ku tegay Xarun Ciidamada Daraawiishta Puntland, ay ku leeyihii duleedka magaalada Garowe oo lagu macaabo 54-aad, waxuuna halkaas kula kulmay Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta Puntland oo xeradaas ku sugnaa.

Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Dabaraani oo ka war bixinayey kulanka Saraakiisha iyo Madaxweyne Dani ayaa yiri, ” Ujeedka Kormeerka Madaxweynaha iyo Kulanka gaarka ah ee uu la qaatay Saraakiisha Ciidamada waxaa uu ku saabsanaa tirakoobka iyo tayeynta dhismaha Ciidamada Daraawiishta Puntland, si loo helo Ciidamo tirsan oo tayeysan, taasi oo qeyb ka aheyd ballan qaadyadii Madaxweyne Dani”.

Mudooyinkii dambe ayaa waxaa deegaanada Puntland kusoo batay falalka amni daro oo ay ka geystaan dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Daacish, iyadoo ay xusid mudantahay in deegaano ka tirsan Gobolka Bari ay ku xoogantahay Daacishta Soomaaliya, taasoo duqeyn dhifa oo diyaaradaha Mareykanku ugeystaan mooyee aan Puntland kala kulmin wax duulaan dagaal ah.