Somali News

Madaxweyne Dani oo la kulmay wafdi ka socday QM

Garowe-KNN-Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Dani ayaa Madaxtooyadda Garowe ku qaabilay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey uu dhowaan usoo magacaabay arrimaha Soomaaliya, Ambassador James Swan iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka midyihiin Madaxa Hay’adda OCHA, Madaxa WFP ee Soomaaliya iyo Mas’uuliyiin kale, kuwaas oo maanta gaaray Puntland.

Kulanka ay yeesheen Madaxweyne Dani iyo Ergayga QM ee Soomaaliya iyo wafdigiisa, waxaa looga hadlay arrimo ay ka midyihiin Amniga, Siyaasada, Horumarinta iyo Gargaarka Bani’aadanimo.

“Waxaan si wanaagsan uga wada-sheekaysanay arrimo muhiim ah oo ah Geedi-socodka dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed iyo sidii loo heli lahaa mustaqbalka Dowlad mideysan, oo midnimadii Soomaaliya illaalisa sidoo kale Federaalka nidaamkiisa horumarisa. Waxaan ku faraxsanahay Puntland doorka ay ka qaadato dhammaan nabadeynta iyo dowladd-dhiska Soomaaliya muddadii dalku uu xaaladda adagg ku jiray,” Ayuu yiri Madaxweyne Dani oo ka warbixiyey kulanka uu la yeeshay Wafdiga ka socday Qaramada Midoobey.