Somali News

Madaxweyne Deni oo Guddoomiyay Shirka Golaha wasiirada ee Puntland.

Garoowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta waxaa uu Guddoomiyey Shirka Golaha wasiirada maamulka Puntaland, kaasi ka qabsoomay Magaalada Garoowe.

Shirka ayaa waxaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha iyo dhibaatooyinka ka jira deegaanada Maamulka Puntland.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Cabdisalaan Xaaji Siciid Faarax ayaa ka warbixiyey qodobada ugu muhiimsanaa ee looga hadlay shirka, waxaa uuna sheegay inta badan diiradda lagu saaray tayeynta Hay’addaha kala duwan ee maamulka Puntland.

Sidoo kale Waxaa uu sheegay in shirka loogu dooday Ammaan xumidda ka jirta Magaalada Gaalkacyo iyo howlgallada ay halkaasi ka waddaan Ciidanka amaanka ee maamulka Puntland.