Somali News

Madaxweyne Deni oo maanta la kulmay ehelada Caa’isha Ilyaas.

Garoowe-KNN-Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Ehelada Caaisho Ilyaas Aadan oo dhawaan kufsi iyo dil loogu geystey magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Waxaa uu sheegay madaxweynaha puntland in hadda gacanta lagu hayo raggii ka dambeeyay dhibaatada loo geystay Caa’isho, islamarkaana waxaa uu ehelada u balan qaaday in dhawaan maxkamad la horgeyn doono raggaasi.

Madaxweyne Deni ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Puntland uu bilaabay qorsheyaal looga hortaggayo dhibaatooyinka loo geysto Gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland.

Dhawaan ayay aheyd markii Caa’isha Ilyaas Aadan tacadi xun loogu geystay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, iyadoona arrintan ay walaac ka muujiyeen bulshada qeybaheeda kala duwan.