Somali News

Madaxweyne Deni oo todobaadkan xilka la wareegaya.

Muqdisho-KNN-Todobaadkan ayaa lagu wadaa in Madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  iyo ku xigeenkiisa Axmed Cilmi Karaash ay xilalka la wareegi doonaan.

Wararka ayaa sheegaya in Maalinta Isniinta ah oo taariikhda ku beegantahay 14’ka Bisha Janaayo 2019 in Madaxda cusub ee maamulka Puntland ay si toos ah xilalka ugu wareegi doonaan, sida ay sheegayaal masuuliyiin ka tirsan puntland.

Waxaana la filayaa in isla maalintaas uu madaxweynaha Puntland uu usoo guuro xarunta dhismaha Madaxtooyada maamulka puntland looga taliya.

Madaxweyne Deni ayaa 8 bishan loo doortay xilka Madaxweynaha maamulka Puntland.