Somali News

Madaxweyne Deni oo u safray Addis Ababa

Garowe-KNN-Madaxweynaha Puntand Saciid Cabdullahi Deni iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa maanta safar ugu amba-baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne Deni iyo wefdigiisa, waxaa garoonka diyaaradaha ka sagootiyey madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, mas’uuliyiin ka kala tirsan labada gole ee Puntland.

Safarka uu madaxweyne Saciid Deni uu ugu amba-baxay ee dalka Itoobiya ayaa ku saabsan arrimaha horumarinta ganacsiga ee deegaanada Puntland iyo dalka Itoobiya, sida aan ka soo xiganay mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Hasa yeeshee madaxtooyada Puntland weli wax faahfaahin ah kama bixin safarka Madaxweyne Deni uu maanta uga baxay magaalada Garowe ee ku wajahan Addis Ababa.