Somali News

Madaxweyne Farmaaajo oo kulan la qaatay madaxda D/Goboleedyada Hirshabelle, Galmudug iyo Koofur Galbeed

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan Madaxtooyada Villa Somalia kula qaatay Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed Cabdi casiiss Lafta gareen, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor qoor iyo kan Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Kulankan ayaa looga hadlayay arrimaha doorashooyinka oo xaalad cakiran ka abuuray dalka, xilli baarlamanka uu waqtiga ka dhamaaday, halka madaxweynahana ay u hartay bil kaliya, sida ay KNN u sheegeen ilo xog ogaal ah

Kulankan ayaa daba socday kulamo ay hore u yeesheen madaxweynaha Soomaaliya, Qoor-Qoor iyo Lafta-gareen, waxaana maanta kusoo biiray madaxweynaha Hirshabeelle, Cali Guudlaawe, oo markii ugu horreysay soo gaaray Muqdisho, tan iyo markii lagu doortay magaalada Jowhar


Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxxay madaxtooyada Soomaaliya