Somali News

Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda maamul goboleedyada oo ku shirsan Garowe

Garowe-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Soomaaliya ayaa xiligaan kulan xasaasi ah waxa uu uga socdaa magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

Hogaamiyaashaan oo ka qeyb-galay Munaasabadda caleema-saarka oo xalay ka dhacday Garowe ayaa kulanka gaarka ah ee hadda u socda waxa uu yahay mid Albaabada u xiran yahay, waxaana dibadda ka jooga Warbaahinta iyo dhamaan siyaasiinta iyo masuuliyiintii kale ee ka qeyb-gashay Munaasabadda caleema-saarka.

Kulankaan ayaa waxaa soo qaban-qaabiyay Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni waxaana sidoo kale ka qeyb galaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya. Dhinacyadaan ayaa kawada hadlaya Xaaladad Soomaaliya iyo sidoo loo xalin lahaa Khilaafkii taagnaa muddo dhowr bilood ah.

Waa kulankii ugu horeeyay oo ay dhinacyadaan yeeshaan tan iyo markii ay Maamul Goboleedyada xiriirka u jareen Dowladda Soomaaliya, Madaxweyne Farmaajo ayaa dhowr jeer gogal nabadeed u fidiyay hogaamiyaasha Maamul Goboleedyada inkastoo aysan dhaqan gelin gogashaasi.