Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo 15-ka bishan shir kale isugu yeeray madax goboleedyada

Muqdisho-KNN-Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu shaaciyey in shir kale uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray madaxda dowladda federaalka, kuwa dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, kaas oo la qorsheeyey inuu dhaco 15-ka bishan, kana dhici doona magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland.

“Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shir ku saabsan arrimaha doorashooyinka isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir. Shirkan oo ka furmaya 15ka bishan Febaraayo magaalada Garoowe ee Dowlad Goboleedka Puntland, waxa uu dhameystir u yahay fulinta heshiiskii ay Golaha Wadatashiga Qaran ku gaareen magaalada Muqdisho 17kii Sebteembar 2020,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka Villa Somalia ayaa intaas ku daray, “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay sii xoojinaysaa dadaalkeeda ku aaddan sidii dalka looga hirgelin lahaa doorashooyinka, loogana wada hadli lahaa arrimaha lagu kala aragti duwan yahay, iyada oo aasaasku yahay dhaqangelinta heshiiskii ay ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare 26kii Sebteembar 2020.”