Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo cambaareeyay qaraxyadii maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa cambareeyay weeraradii qaraxyada iyo dagaalka ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho kuwaas oo ay fuliyeen dagaalamayaasha Alshabaab.

Madaxweyne Farmaajo ayaa weerarkaas ku tilmaamay mid argigixiso oo looga gol lahaa in lagu dilo shacab badan oo aan wax dembi ah gelin balse ay ka hortagayn ciidamada amniga.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii halkaasi ku dhintay oo uu kamid ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Shaqada iyo Arimaha Bulshada ee Xukuumadda Soomaaliya Xildhibaan Saqar Ibraahim Cabdalla. Sidoo kale waxa uu Alle caafimaad uga baryay dadkii weerarkaas ku dhaawacmay.

Hey’adaha amniga ayuu ka dalbaday in ay xoojiyaan dadaalkooda ku aadan sugidda amniga Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho si looga hortago qatarta Al-shabaab.