Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo dhalleeceyn kala kulmay sawir uu la galay Kornel Tuke

Muqdisho-KNN-Sawir madaxweynagha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu magaalada New York kula galay Kornel Yuusuf Cabdi Cali Tuke ayaa saacadihii lasoo dhaafay si weyn loogu falanqeynayay baraha ay bulshadu ku xariirto.

Kornel Tuke ayaa dacwado ka dhan waxa ay yaalaan maxkamadd ku taalla dalka Maraykanka, waxaana loo haystaa dambiyo dagaal oo sida la sheegay uu sideetameeyadii ka geystay gobolada waqooyi ee Soomaaliya xilligii ay jirtay dowladdi dhexe dalka.

 Siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa baraha ay bulshadu ku xariirto waxay si weyn ugu dhaleeceeyeen sawirka uu madaxweyne Farmaajo lasoo galay Kornel Tuke, iyagoo sheegayay in ehelada dadkii Soomaaliyeed ee ku baxay gacanta xukunkii militariga ee soomaray dalka uusan u damqan madaxweynuhu.

“Waxaan magaca umadda Soomaaliyeed raalli gelin uga siinayaa walaalaheen reer Somaliland oo Madaxweyne Farmaajo uu dib u damqiyey dareenkooda soona xasuusiyey maalmo murugo lahaa ka dib Markii uu sawir la soo galey shakhsi ku eedaysnaa dambiyo dagaal iyo xasuuqay dad Soomaaliyeed” ayuu bartiisa bulshada kusoo qoray Xildhibaan Fiqi oo ka mid ahaa siyaasiyiinta ka fal celiyay sawirkas.