Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo dib ugu soo laabtay Muqdisho, kadib markii uu ka qeyb galay shirkii Garoowe.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo muddo sagaal cisho ah  ku sugnaa Magaalada Garoowe ayaa maanta dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, kadib markii uu qeyb ka ahaa shirkii Wada-tashiga madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul gobaleedyada ka jira dalka.

Wafdiga Madaxweyne farmaajo ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cade ku soo dhaweeyay Wasiiro, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo marka uu ka soo ambabaxay Magaalada garoowe ayaa waxaa soo Sagootiyay, Madaxweyne Deni, ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, mas’uuliyiin ka tirsan goleyaasha Maamulka  Puntland iyo saraakiil ka tirsan madaxtooyada Puntland.

Dib u soo loobashada Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa ay ku soo beegmaysaa kadib markii uu fashil ku soo dhammaaday shirkii Wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada dalka ee Garoowe lagu qabtay.

Shirkii lagu qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynaha Soomaaliya, R/Wasaare Kheyre, Guddoomiyaha Gobalka Banaadir iyo Madaxda Maamul gobaleedyada ka jira dalka, iyagoona qodobo muhiim ah isku fahmi waayay inta uu socday Shirka.