Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo Donald Trump kula kulmay New York

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo iyo Marwada koowaad ee dalka marwo Zaynab Cabdi Macalin ayaa waxa ay magaalada New York kula kulmeeen madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump .

Madaxweynaha iyo Marwadiisa ayaa ka qayb galay kulan soo dhaweyn ah , kaas oo  madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump uu u sameeyay madaxdii  ka soo qaybgashay shirka sanadlaha ah ee Golaha Qaramada Midoobey meertadiisa 74aad uga socda magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Madaxweyne Farmaajo oo Soomaaliya ku matalaya shirkaasi, ayaa inta uu ku sugnaa magaalada New York waxa uu kulamo la qaatay hoggaamiyeyaal sarsare oo ka soo qayb galay shirkaasi.