Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo gaaraay Dhuusamareeb

Dhuusamareeb-KNN-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa goordhaw gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ku soo dhaweeyay wafdiga madaxweynaha mas’uuliyiin ay ka mid yihiin madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir,Wasiirrada amniga iyo arimaha gudaha ee xukuumadda Soomaaliya, xildhibaano ka tirsan labada gole ee baarlaamka federaalka, siyaasiyiin, waxgarad iyo qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa wafdigiisa ku wehliyay madaxweynaha Galmudug Axmed Duceele Geelle Xaaf, oo bilihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Farmaajo ayaa lagu wadaa inta uu ku suganyahay Dhuusamareeb in uu soo xiro shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo ka socda magaalada Dhuusamareeb ku dhawaad labo todobaad, kaas oo uu furay Ra’iisul Wasaare Kheyre.