Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo galabta dib ugu soo laabtay dalka.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wafdigiisa ayaa galabta Dalka dib ugu soo laabtay, kadib markii ay ka soo qeyb-galeen Shir Madaxeedka Africa Now ee shalay lagu soo gaba-gabeeyay magaalada Kampala xarunta Dalka Uganda.

Shirka Afrika Now ayaa diiradda lagu saaray arrimaha nabadgelyada, isdhexgalka iyo koboca dhaqaalaha ee Qaaradda Afrika,iyadoo Madaxweynaha Jamhuuriyadda uu ka jeediyay Khudabad ka hadlaysa dhanicyo badan.

Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu joogay Magaalada Kampala waxa uu kormaaray askar ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo tababar Layli Sarkaal ah ku qaadanaya Dugsiga Tababarka Militariga. Kabamba ee dalka Uganda.