Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo hambalyo udiray Umadda Soomaaliyeed

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo soo diray fariin muuqaaleed dhowr daqiiqo ah, ayaa Umadaha Muslimka ah gaar ahaan Umadda Soomaaliyeed waxa uu ugu hambalyeeyay munaasabadda ciidul Adxaa.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa barwaaqo u rajeeyay Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna dadka u sheegay in dowladdu ay ku dadaaleyso sidii xasilooni amni oo loo heli lahaa.

Madaxweynuhu waxa uu bulshada kula dardaarmay in ay iscaawiyaan xilligan, oo dadka aan wax heysan la garab istaago. Sidoo kale dadka waxa uu usoo jeediyay in ay amaanka kala shaqeeyaan hay’adaha arrimaha amniga ka mashquulsan .