Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galay Shir maanta ka furmay Uganda.

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa maanta Magalada Kampala ee dalka Uganda waxaa uu kaga qeyb galay shir looga hadlayo horumarinta iyo kobcinta Dhaqaalaha Qaarada Afrika, ee (Afrika Now).

Shirkan oo socon doona mudo laba maalin ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Ergooyin badan, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee dalka Uganda Yuweri Museveni, balse waxaa la sheegay in shirkasi ay ka maqan yihiin Madaxweynayaasha dalalka Masar iyo Koonfur Afrika, hayeeshee ay Wakiilo u soo dirsadeen shirka.

Shirka inta uu socdo ayaa lagu wadaa in uu khudbad ka jeediyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo ka hadli doono arrimo la xiriira Ganacsiga Soomaaliya iyo sida Ganacsiga wadamada kale ee Afrika la isugu xiraa lahaa.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sidoo kale inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa uu la kulmi doonaa qaar ka mid ah Madaxda ka qeyb galeysa Shirkaasi.