Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo la kulmay madaxda K/Galbeed, HirShabeelle iyo Galmudug

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaaho Farmaajo ayaa maanta kulan saacado badan qaatay waxaa uu la yeeshay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, Madaxda Dowlad Goboleedyada saddexda ah ee taabacsan dowladda Federaalka, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Ilo wareedyo ayaa KNN u sheegay in kulanka intiisa badan looga hadlay xaaladihii ugu dambeeyay ee ku soo kordhay arimaha la xariira doorashooyinka.

Ma jiraan weli war rasmi ah oo laga helay kulanka ka dhacay xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa uu ku soo aadayaa iyadoo caawa ay shir u balansan yihiin Midowga Musharaxiinta iyo Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed iyo Hirshabelle.


Muran xoog leh ayaa hareeyay doorashada Soomaaliya ee sanadkan 2021-ka.