Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo manta farxadda ciidda la qaatay ciidamada Guutada 14-ka Oktoobar

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta farxadda munaasabadda ciidda la qaatay Guutada 14ka Oktoobar ee Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, isaga oo salaadda ciidda kula tukaday dugsiga tababarka ee Jenaraal Goordan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugnaa dugsiga Jenaraal Goordan waxa uu ka qeyb galay xafladlagu dhiirrigelinayo Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan halkaas.

 Xafladda waxa ka soo qeyb galay cutubyo ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar, Taliyeyaal, Taliye Xigeenno iyo saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed.

Taliyaha xilka laga qaaday ee ciidanka Xoogga dalka Jenaraal Cabduwali Jaamac Gorod ayaa Madaxweynaha uga warxbiyey dadaallada lagu horumarinayo dhismaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in dalka ay kusoo duuleen kooxo shisheeye oo uu sheegay in ay doonayaan in dalka ay dumiyaan siduu hadalka u dhigay Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka qeyb galay salaadd janaaso oo lagu tukanaye askari ka tirsanaa Guutada 14-ka Oktoobar oo ku dhintay hawlgalladii ay ciidamada Xoogga dalka ka sameeyeen deegaanno hoos yimaada Degmada Marka ee Gobolka Shabeellaha Hoose.