Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo u safaraya dalka Eritrea.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maalinta berri oo Jimco ah u safri doona magaalada Asmara ee dalka Eritrea, kaddib markii uu martiqaad ka helay dhiggiisa Isaias Afwerki.

Socdaalka Madaxweyne Farmaajo ee Asmara ayaa la xiriiro arrimo ku saabsan iskaashiga Gobolka iyo xaalado muddooyinkii u dambeeyay soo kordhay.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah Isbaheysiga saddex geesoodka ee Eritrea iyo Itoobiya ee Is dhex galka iyo Iskaashiga Gobolka, sidoo kale Soomaaliya iyo Eritrea ayaa ka mid ah Isbaheysiga cusub ee dalalka ku yaalla Badda Cas iyo Gacanka Caddan oo dhowaan Wasiirada Arrimaha dibadda ee 8 waddan ku kulmeen Magaalada Riyadh