Somali News

Madaxweyne Farmaajo oo ugu hambalyeeyay ciyaartooyda G/Banaadir guusha ay gaareen

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Mohamed Abdullahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay ciyaartoyda xulka G/Baandir guusha ay ka gaareen Ciyaartii kama dambeysta aheyd ee ay la dheeleen dhiggooda Galmudug,isagoona ku boggaadiyay xiddigaha Galmudug ee hantay kaalinta Labaad ciyaar wanaagga ay soo bandhigeen.

“Hambalyo Xulka Kubadda Cagta ee Gobolka Banaadir oo ku guuleystay Koobka Dowlad Goboleedyada Dalka, sidoo kale waxaan bogaadinayaa Xulka Galmudug oo soo gaaray ciyaarta kama danbeysta ah. Labada Kooxoodba waxa ay muujiyeen xirfad sare, isku xirnaan iyo dadaal ballaaran”

Cayaarta kama dambeysta ah ee tartanka kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa waxaa galabta kulanka final-ka ah wada cayaaray xulalka kubadda Cagta Banaadir iyo Galmudug, kaasi oo ka dhacay garoonka kubadda cagta ee Eng, Yariisow.

Cayaarta oo ay u soo daawasho tageen dad weyne aad u fara badan oo ka kala yimid 17-ka degmo ee Gobolka Banaadir, isla markaana kala taageerayay labada Xul ee Banaadir iyo Galmudug, isla markaana sitay hal ku dhigyo ayaa si weyn u muujiyay sida ay u taageersanyihiin tartamada nuucaani oo kale ah ee la xiriirta isdhexgalka bulshada.

Goolhayaha Xulka Gobolka Banaadir ayaa u suurta geliyay in Banaadir ay sanadkan hanato tartanka Dowlad Goboleedyada oo uu marti geliyay Maamulka Gobolka Banaadir