Somali News

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland oo odayaasha Ceelwaaq kala hadlay arimaha amniga

Muqdisho-KNN-Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta kula kulmey degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo odayaasha dhaqanka,Ganacsasada iyo dhalinyarada ku dhaqan degmadaasi.

Kulanka ayaa lagu lafa gurayay sida ay bulshada iyo Maamulkuba uga wada shaqayn lahaayeen Sugidda Amniga iyo ilaalinta xasiloonida deegaanka.

Madaxweyne ku xigeenka 1 aad ee Jubbaland ayaa maalmahanba safar shaqo ku jooga degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas oo uu kulamo kula yeeshey maamulka,Saraakiish Amisom iyo kuwa Soomaalida.

Shalay ayay ahayd markii uu isbadal ku sameeyay ciidamada ku dhaqan degmada Ceelwaaq iyo nawaxiigeeda si loo dardargaliyo howl-gallada lagula dagaalamayo haraadiga Malleeshiyaadka Al-shabaab.

Madaxweyne ku xigeenka 1aad ee dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ciidanka kula dardaarmey in ay sii laba jibaaraan howsha ay u hayaan bulshada Soomaaliyeed.