Somali News

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo hambalyada Ciida la wareegay Shacabka Soomaaliyeed

Ku-simaha Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda, Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ummada Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Puntland ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul Adxaa.

“Ciid Mubaarak.

Waxaan Munaasabada Ciidul-Adxaha ee Sanadka 1443 Taariikhda Islaamka awgeed Hambalyo u dirayaa guud ahaan Ummada Muslimiinta ah meel ay joogaanba gaar ahaan Shacabka  reer Puntland.

Mahad dhamaanteed Ebbe weyne ayay u sugnaatay oo nabad qab inagu soo gaadhsiiyey, sida aynu wada ognahay Ciidani waxay kusoo beegantay wakhti adag oo dadkeenu ku sugan yahay xaalad Abaareed oo daran sidoo kalena ay jiraan cuduro Alle haynaga saaree sidaas darteed waxaa la inooga baahan yahay dhamaanteen inaan garab istaag u muujino dadkeena ay Abaaruhu saameeyeen.

Ciidamada Amaanka, Xaasaskooda iyo Caruurtooda ayaan hambalyo gaar ah u dirayaa  aniga oo og duruufaha adag ee ay ku shaqaynayaan weliba sida geesinimada iyo naf hurida leh waxaan farayaa inay laba jibaaraan maalmahan farxada leh shaqada ay u hayaan dadkooda iyo dalkooda.

Alle haynagu gaadhsiiyo sanadkan kiisa kale Barwaaqo iyo Badhaadhe.” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash.