Somali News

Madaxweyne ku xugeenka Galmudug oo booqday deegaano laga saaray A-shabaab

Ku simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Galmudug Ali Dahir Eid oo uu wehelinayo Ku simaha Gudomiyaha Barlamanka Wasiiro,Xildhibaano iyo Maamulka Caasimadda ayaa maanta booqday jiida hore ee dagaalka Al-shabaab looga saarayo deegaanada Galmudug.

Madaxweynaha iyo wafdiga uu hoggaaminayay ayaa soo kormeeray deegaano hor leh oo ay la wareegeen ciidamada qalabka sida, islamarkaana ay ka saareen Al-shabaab, iyagoona ciidamada ku dhiiri geliyay kordhinta howlgalada Al-shabaab.

Ku simaha Madaxweynaha iyo wafdigii u hoggaaminayay ayaa hoggaanka Saadka ee Ciidamada qalabka sida ku wareejiyay sahay iskugu jirta Timir, Buskut, biyo iyo Caano waxana Madaxweynaha u balanqaaday Ciidamada in aysan kala joogsan doonin taageerada.

Ugu Danbeyn Madaxweynaha ayaa u mahadceliyay Maamulka Caasimadda Dhusamareeb oo taageero aan kala go,lahayn la garab tagan Ciidamada howlgalaya wada