Somali News

Madaxweyne Lafta gareen oo Baydhabo kula kulmay Safiirka Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Maanta Magaalda Baydhabo waxa uu ku qaabilay Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender.

Labada Mas’uul ayaa kulan gaar ah waxa ay ku wada yeesheen Xarunta Madaxtooyda Koonfur galbeed,iyaga oo ka hadlay arrimaha Siyaasda,Amniga iyo abaaro la sheegay inay deegaano ka tirsan gobolkaas ka jiraan.

Safiirka Dowlada Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Ben Fender ayaa waxaa ay ka wada hadleen sidii dowladda Ingiriiska ay Maamulka Koonfur Galbeed uga caawin lahaayeen dhinacyo badan.