Somali News

Madaxweyne Lafta Gareen oo gaaray magaalada Baydhabo

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray, magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa magaalada Baydhabo waxaa ku soo dhaweeyay masuulinta maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxa uu safar shaqo u joogay madaxweyne Lagta Gareen, magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Madaxweyne Lafta Gareen ayaa maanta ka hor safarkiisa waxa uu magaalada Muqdisho kulan kula qaatay safiirka dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Binu Xamza .