Somali News

Madaxweyne Waare oo ka hor-yimid jadwalkii guddiga soo xulista baarlamaanka Hirshabelle

Jowhar-KNN-Guddiga farsamo ee uu magacaabay Madaxweyne Waare ayaa kulamo ay maalmihii la soo dhaafay ku yeelanayeen xaruntooda magaalada Jowhar waxa ay ugu dambeyntii maanta soo saareen jadwalka habraaca soo xulista xildhibanada Baarlamanka Hirshabelle.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in guddiga ay ka maqan yihiin xubno haween ah isla markaana go’aanka ay gaareen uu yahay mid aysan cidna kala tashan.

Warar soo baxayay maalmahan ayaa sheegayay in Madaxweynaha Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu doonayo in muddo lix bil ah lagu kordhiyo mudada xil haynta maamulka Hirshabelle oo ay ka harsan tahay maalmo kooban.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka Waare