Somali News

Madaxweyne Xaaf oo ka badbaaday weerarkii ka dhacay Kenya.

Nairobi-KNN-Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle (Xaaf) ayaa sheegay inuu ka badbaaday weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeyn Hoteelka D2 ee ku yaala xarunta dalka Kenya.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay inuu ka mid ahaa dadkii ku sugnaa gudaha Hoteelka islamarkaana uu ka badbaaday Qaraxyadii dagaalkii lagu galay Hotelka.

Xaaf ayaa cambaareeyay weerarkaasi waxa uuna sheegay iney ka dambeyeen wax uu ugu yeeray dad wax magarato ah.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle ayaa halkaasi shir kula lahaa hey’ad uu kala hadlayay mashaariic laga sameeyo Galmudug.