Somali News

Madaxweyne Xaaf oo ku wajahan Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf ayaa maanta ku wajahan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, oo uu labo bilood ka hor safar dhanka dhulka ah uu uga baxay.

Madaxweyne Xaaf ayaa la sheegay in uu ka mid yahay xubnaha wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee maanta ku wajahan Dhuusamareeb, oo ay ka socoto qaban-qaabada soo dhaweyntooda. 

Madaxweyne Xaaf ayaa 23-kii June isaga huleelay magaalada Dhuusamareeb, xiligaas oo khilaaf xoogleh uu soo kala dhex galay isaga iyo hoggaanka sare ee Ahlu-Sunna, waxuuna khilaafkoodu salka ku hayay waqtiga uu ku egyahay xilheynta golayaasha maamulka Galmudug.

Xaaf ayaa mudooyinkii dambe ku sugnaa magaalada Muqdisho waxaana laga heshiiyay khilaafkii ku aadanaa waqtiga ay ku egtahay xilheynta madaxweyne Xaaf, isagoo ogolaaday in doorasho madaxweyne ay ka dhacdo Galmudug.

Xukuumadda Federaalka ayaa haatan ku howlan dhismaha maamul cusub oo ay yeelato Galmudug, waxaana Dhuusamareeb ka socda shir dib u heshiisiin oo loogu gogol xaarayo doorashada madaxda maamulkaas, iyadoo saacadaha nasoo aadan lagu wado in Madaxweyne Farmaajo uu gaaro Dhuusamareeb si uu usoo xiro shirka dib u heshiisiinta.