Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh “Deegaannada Jubbaland waa ka billabanaya dagaalka Al-shabaab”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kismaayo ayaa ka hadlay qorshaha socdaalkiisa magaaladaasi.

Madaxweynaha ayaa sheegay in maamulka Jubbaland uu kala hadlay dhammaystirka xoreynta deegaannada ku jira gacanta Al-shabaab iyo saamaynta taban ee ka dhalatay fatahaadihii Roobkii Elino ee ka da’ay deegaanada Jubaland.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa sheegay uu Safar shaqo muhiim u ah danaha qaran ee Soomaaliya oo uu ku tagayo dalka Itoobiya.