Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh “Inta ka dhiman sannadkan ayaan Al-shabaab dalka saareynaa”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Dhuusamaareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug uga qayb galay kulan dadweyne oo shacabka soomaaliyeed ay su’aalo toos ah uga weydiiyeen dagaalka ka dhanka Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dowladdu qorsheynayso inta ka dhiman sannadkan dagaalameyaasha Al-shabaab laga saari doono guud ahan dalka.

“Al-shabaab inta ka dhiman sannadkan ayaan ka saareynaa dalka goobaha ay kaga sugan yihiin” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladdu diyaar u tahay dib u heshiisiinta iyo horumarinta deegaannada laga xorreynayo Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan xubnaha ka soo goosta dagaalameyaasha Al-shabaab.