Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka oo ka wada hadlay dhammeystirka Dastuurka

Madaxweynaha Dawladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud iyo Siyaasiyiin xilal sare soo qabtay ayaa kulan ka yeeshay qodobada ugu muhiimsan ee wax ka badalka dastuurka.

Xubnaha mucaaradka ee kulanka ka qayb galay ayaa kala ahaa Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed, Raisul Wasaare hore Xasan Cali Khayre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur, iyo Xildhibaan Cabdiqaadir Cosoble.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ogolaaday in la sugo Puntland doorashadeeda, si ay qayb uga noqoto kulamada Golaha Wadatashiga Qaranka si heshiis wadar ogol ah looga gaaro go’aannada masiiriga ah ee wax ka badalka dastuurka.

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in wax ka badalka dastuurka loo maro hannaanka uu qorayo cutudbka 15-aad ee dastuurka KMG ah.