Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Taliyaha guud ee ciidamada Talyaaniga oo ka wada hadlay dagaalka Al-shabaab

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada ku qaabilay Taliyaha Guud ee Ciidamada Dalka Talyaaniga Admiral Giuseppe Cavo Dragone.

Kulanka oo uu ka qayb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka soomaaliyeed Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxyidiin ayaa looga hadlay iskaashiga amni ee labada dal, xoojinta wada shaqeynta, doorka dowladda Talyaaniga.

Sidoo kale, labada dhinac ayaa ka wada hadlay dib u dhiska iyo tayeynta Ciidamada qalabka Sida, taageerada iyo garab istaagga Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan dagaalka dhanka ah Al-shabaab.