Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay Amni xumada ka jirta Muqdisho.

Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Amni xumada ka jirta Magaalada muqdisho, dhaca ay geeysanayaan, kooxaha hubaysan iyo kooxaha Ciyaal weerada ah.

Madaxweynaha ayaa ugu horeeyntii tilmaamay in labo mid aysan is qabaneeyn, tankoobaad ayuu ku sheegay in Ciidamada Booliska lagu eedeyo in aysan waxba qabanin, iyo in Markii tuugadda hubeysan ee wadata bustooladaha ay soo qabtaan Ciidamada Boolisku ay kadaba yimaadaan Xildhibaano, nabadoono, iyo waalidiinta dhalay, kuwaa oo ku andacoonaya in wiilkoodu yayay mid aanan shaqo ku laheeyn tuugadda dhaca iyo ciyaal weerada.

Waxa uu hadalkiisa intaa raaciyay in askariga ay wax ka qaldami karaan, ayna diyaar u yihiin ka Dowlad ahaan in ay saxaan askariga iyo sargaalkii khalad ka dhaco kuna ciqaabi donaan.

Waxa uu xusay in ciidamadda amaanka ay ku shaqeeyaan duruufo kala duwan, shacabka Soomaaliyeedna looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan ciidamadda amaanka si Amni xumadda la isaga dulqaado.

Madaxweynaha ayaa mar kale ku celiyay  in aan lasoo daba kicin tuugadda ay ciidamada ammaanku soo qabteen, loona soo daba kicin in uu nala yahay qaraabo, ama aan u nahay waaalid waxa uuna balan qaaday in aysan cid aan danbi laneeyn xabsi ku heeyn doonin, ayna sugaan keliya inta baarista ay wadaan.

Madaxweynaha ayaa ugu danbeeyntii waxa uu sheegay in Dowladda ay ka go’an tahay sugida amniga, ayna diyaar u yihiin ay in ay toosiysan meshii ay wax ka qaldamaan.