Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalka

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in guul wayn ay tahay in cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna.

Madaxweynaha oo farriin u diray dadka Soomaaliyeed, ayaa sheegay cunaqabateynta hubka ee laga qaaday dalkeenna ay muhiimad gaar ah u leedahay xoojinta dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Madaxweynaha ayaa ka  hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladdu in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in muddo dheer ay ka soo shaqeynaysay dowladda sidii loo qaadi lahaa Cunaqabatayntanta hubka.