Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay dhammeystirka Dastuurka

Madaxweynaha Dowladda Xasan Sheekh Maxamuud ayaa salaaddii Jimcaha ka dib ka hadlay dhameystirka dastuurka, hormarada la gaaray iyo halka uu marayo halganka dalka lagaga xoreynayo Khawaarijta.

“Dastuurka waa in uu ka jawaabo waxa ay umadda Soomaaliyeed rabaan.”

“Dastuurka isagaa ka hadlaayo sida wax ka bedel loogu sameynaayo,dastuurka waxaa la gaarsiin doonaa ururada bulshada qeybaheeda kala duwan,dowladnimada waa inaan u ogolaano inay korta, Dadka Soomaaliyeed waxaan rabaa inaan u sheega in dunida oo dhan ay nasoo wada fiirineysa,dagaalka Khawaarijta waa uu socda wuuna socon doonaa gooba cusub ayaana laga sii qabsanayaa,

Khawaarijta Fursada u furan maanta waa in ay isisoo dhibaan kuwa Soomaalidah, kuwa ajaanibta ah ee dalalka kale ka soo jeeda waa in dalkooda ay ku laabtaan iyo meshey ka soo jeedeen ayna cafis weydiistaan”.

Sidaasi waxaa yiri madaxweynaha JFS oo khudbada salaaddii Jimcaha ee maanta ka jeediyaya masaajidka Shuhadada.