Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble, Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi xaashi Cabdullaahi, Mas’uuliyiin ay kamid yihiin madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed, Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre iyo dadweeyne kake ayaa masjidka Isbahaysiga salaadda Janaasada kula tukaday Marxuum Cabdullaahi Maxamed Shirwac.
Marxuum samafale Cabdullaahi Maxamed Shirwac ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho, halkaas uu ku xanuunsanaa maalmihii lasoo dhaafay.
Masuuliyiinta ka qeeyn ka gashay Saalada Janaasada Marxuum Cabdullaahi maxamad Shirwac Ayaa Alle waxa ay uga baryeen in uu jannadii Firdows ugu deeqo Shirwac oo ka mid ahaa dadkii sida weyn uga soo shaqeeyay nabadeynta dalka iyo u adeegidda bulshada xilliyadii adkaa ee dalku soo maray.