Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kormeeray xerada Jeneraal Daa’uud

Madaxweeynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer ku tagay xerada Jeneraal Daa’uud ee taliska guutada 18-aad ee kumaandooska xoogga dalka ee Gorgor.

Madaxweeyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa halkaasi salaan sharaf kaga qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka, isagoo u jeediyey khudbad dardaaran ah.

Kormeerkaan waxaa madaxweynaha ku wehlinayay Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Sarreeye Gaas Ibraahim Sheekh Muxudiin Caddow.