Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir looga hadlayo arrimaha Dastuurka ugu baaqay Madaxda dowlad goboleedka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay shir ay isugu yimaadaan Madaxda golaha wada-tashiga qaran ee ka kooban Madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Warqad Martiqaad ah oo Madaxweyne Xasan Sheekh u diray Madaxda dowlad goboleeday iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa waxaa ku sheegay in shirka Madasha Wadatashiga qaran uu billaaban doono 20 ilaa 21 bishaan April.

Shirka ayaa la filayaa in looga hadlo xaaladda guud ee dalka iyo sidii loo dardar galin lahaa dagaalka Al-shabaab.