Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhigiisa dalka Ereteriya

Madaxweynaha Dowladda Federaalkya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan-doceed la qaatay Madaxweynaha dalka Eretariya Mudane Isaias Afwerki oo ay ka wada qeyb-galeen Shirka Sacuudiga iyo Afrik ee Riyaad.

Labada Madaxweyne oo ka wada halday xaaladda gobolka ayaa adkeeyey xiriirka soojireenka ah ee ka dhexeeya shacabka Soomaaliya iyo dhiggooda Ereteriya, waxayna isla qaateen in la sii xoojiyo, wadajirna loo wajaho caqabadaha ay wadaagaan labada dal.