Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta khudbad ka horjeedinaya labada gole ee Baarlamaanka

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa labada gole ee Baarlamaanka Federaalka ka codsaday kulan deg deg ah.

Kulanka oo maanta qabsoomaya ayaa Madaxweynaha waxaa uu kaga hadli doona xiisadda Itoobiya kala dhaxeysa dalkeena iyo xaaladihii ugu dambeeyay ee wadanka.

Sidoo kale warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynaha uu labada gole hor keeni doono heshiis dhinaca difaaca ah oo ay wada saxiixdeen dalalka Soomaaliya iyo Turkiga, kaasi oo Ciidamada badda Turkiga ay ku sugayaan amniga Xeebaha Soomaaliya.

Kulamadii dooda Baarlamaanka ayaa la hakiyay, iyaga oo maalmahan ka doodayay wax ka badalka dastuurka dalka