Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Ergayga Gaarka ah ee u qaabilsan Xasillinta iyo Ilaalinta Arrimaha Rayidka u magacaabay Mudane Xil.dhibaan Cumar Ibraahim Xaashi.

Ergeyga Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka ayaa u xilsaaran xakameynta qasaaraha rayidka ah ee ku sugan deegaannada ay ka socdaan howlgallada iyo Xasilintooda.

Madaxweynaha ayaa kula dardaarmay in uu si hagar la’aan ah ugu soo dhalaalo masuuliyaddan adag ee ay ku jirto badbaadada iyo amniga dadka Soomaaliyeed.