Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh “Taariikh cusub ayay inoo tahay ka mid noqoshada EAC”

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ugu hambalyeeyey shacabka Soomaaliyeed xubinnimada Dalladda Bulshada Afrika (EAC).

Madaxweynaha ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka faa’iideystaan fursadan, maadaama bulsho badan wax la wadaagi doonaan.

Sidoo kale, Madaxweyne Xasan ayaa ka warbixiyey dadaalka lagu bixiyey, fursadaha ku jira iyo awoodda dadkeennu ay u leeyihiin in ay la tartamaan dhiggooda shucuubta Gobolka.