Somali News

Madaxweyne Xasan Sheekh “Tillaabo ayaa qaadeyna haddii Itoobiya isku day do fulinta heshiiska badda”

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ay tillaabo adag qaadayaan haddii ay Itoobiya ay isku daydo in ay fuliso heshiiska la xiriira badda ee ay la gashay Somaliland.

Madaxweynaha ayaa wareysi dhinacyo badan taabnayay sii yay warbaahinta Al-jaziira, mar su aal laga waydiiayya haddii ay itoobiya ay isku daydo xoog in ay ku fuliso heshiiska ayaa waxaa uu yiri

“Itoobiya ma fulin karto heshiiskaas marka la eego shuruucda caalamiga ah iyo diblumaasiada, dhulka waxaa iska leh Soomaaliya, waan difaaceynaa wadankeena, sidaasi oo ay tahay weli Itoobiya ma imaanin goobta la sheegay in la siiyay, balse haddii ay isku dayaan in ay yimaadaan waa dhibaato kale”

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay Soomaaliya u joogaan heshiis ay uga qeyb qaadanayaan nabadda.

“Ciidamada Itoobiya hadda waxaa ay ku joogaan heshiis ay uga tirsan ciidamada ka qeyb qaadanaya nadda Soomaaliya, mana sameyn karaan wax ka baxsan” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo aadaya xilli Itoobiya ay isku dayeyso in ay meel mariso heshiiska ay la gaartay Somaliland ee la xiriiray badda.