Somali News

Madaxweyne Xasan Shiikh oo gaaray Masar, isaga oo kulamo la leh Madaxda dalkaasi

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaasi oo booqasho rasmi ah uga billaabaneyso.

Madaxweynaha ayaa dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, la yeelan doona wadahadallo ku saabsan sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal ee walaalaha ah, gaar ahaan iskaashiga dhaqaale iyo diblumaasiyadeed, la dagaallanka argagixisada iyo dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa Madaxa Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Abuu Al-qeyd, iyagoo ka arrinsanaya qorsheyaasha heer Carbeed ee midnimada iyo wax-wada qabsiga dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo Dowladda Soomaaliya ay ka tahay xubin muhiim ah.